Thursday, April 24, 2025

Odayaal ka socda Hawiye iyo Digil/Mirifle oo Waanwaanta Laascaanood u tegay Garowe

Waxaa magaalada Garowe maanta gaaray odayaal dhaqan oo ka kala socda beelaha Hawiye iyo Digil/Mirifle oo ujeedkoodu yahay inay waanwaan ka galaan colaadda magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Odayaasha oo ay ka mid yihiin: Ugaas Maxamud Ugaas Ali Ugaas, Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nur, Suldaan Warsame Suldaan Ibrahim Suldan Aliyow Ibrow, Ugaas Cabdiraxman Ugaas Cabdulahi Ugaas Maxumad, Malaq Maxamed Yacqub Sheikh Deeroow, Wabar Maxamed Wabar Axmed Wabar Ahmed.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas aya sheegay in ujeedka socodkoodu yahay sidii xal loogu heli lahaa arrinta ka tagaan Laascaanood, ayna la kulmi doonaan dhinacyada odayaasha iyo mas’uuliyiinta deganaka.

Ad

Waxa wafdiga odayaasha ee Muqdisho ka tegay kusoo dhoweeyay Garoonka magaalada Gaalkacyo Isimada iyo Salaadiinta kala ah: Islaan Ciise islaan Maxamed, Suldaan Mustafa M. Awseed, Garaad Jaamac Garad Ismaciil, Garad Cabdisalaan Xasan, Ugaas Maxamud Ugaas Cabdullahi, iyo Wasiiro, Xildhibaano heer Federal iyo Puntland.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON