Monday, February 10, 2025

KASHIFAAD: Oday uu wato Faarax C/qaadir oo lagu kordhiyay Odayaashii Sharciga ahaa [Caddeyn]

Oday dhaqameed cusub oo uu wato Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir ayaa lagu kordhiyay Odayaasha dhaqanka Soomaalida ee sharci ahaa ee soo dhisay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Arrintan oo loo arko sharci darradii ugu danbeysay ee dowladda Xasan Sheekh hogaamiyo ku kacday xilliga kala guurka ah ayaa ka danbeysay markii Beesha Reer Aw-xasan  ay isku khilaaftay oday dhaqameedka uga midka ah Odayaasha sharciga ahaa ee 135-ta.

Shirar magaalada Muqdisho ka dhacay oo ay ka qeyb galeen madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisal wasaaraha Madaxweynayaasha maamulada K/Galbeed iyo Jubba ayaa la isla garay in la abuuro oday dhaqameed cusub oo ay yeelato Beesha Reer Aw-Xasan taasoo uu soo jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh.

Ad

Sida ku cad qoraalka hoose ee ka soo baxaya Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa la isla gartay in Beesha reer Aw-Xasan ay yeelato laba oday, iyadoo Suldaankii hore Suldaan Maxamed Cabdi Cumar uu hoggaamin doono howlaha la xiriira doorashada kursiga Xildhibaanimo ee Beesha reer Aw-Xasan ee Koofur Galbeed iyo  Nabadoonka cusub ee Maxamed Axmed Xuseen (Shurki) oo uu wato Faarax C/qaadir hoggaamin doono kursiga Xildhibaan ee Beesha reer Aw-Xasan ka heleyso Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Arrintan ayaa ka danbeysay loolan kursiga xildhibaannimada beesha oo dhex maray Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Faarax Sheekh C/qaadir oo labaduba ka mida hogaamiyeyaasha xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxda Damjadiid.

Waxay noqon doontaa fadeexad weyn oo sharci ah  iyo mid hogaamineed oo Xasna Sheekh taariikhdau geli doonta  in Liiskii Odayaasha ee Soomaalidu ku heshiisay loo bedelo rabitaan shaqsi ah.

- Advertisement -

Oday-Awsan

Goobjooge.com

http://goobjooge.com/beesha-reer-aw-qudub-oo-diiday-suldaan-bug-ah-oo-ay-u-sameeyeen-faarax-cqaadir-craxman-dheere/

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON