Saturday, March 22, 2025

Oday Alshabaab u qaabilsanaa Tirakoobka Ganacsiyada Muqdisho oo Xukun lagu riday

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa xabsi ciidan ku riday nin Oday ah oo ku eedeyanaa inuu Alshabaab ka tirsan yahay, una qaabilsanaa qaar ka mida Ganacsiyada caasimadda Muqdisho.

Maxamuud Maxamed Macalim (Karaama) ayey Maxkamaddu ku xukuntay 8 sano oo xabsi ciidan ah markii lagu helay inuu ka tirsanaa, isla markaana u qaabbilsanaa uruurinta lacagaha ay Alsahbaab ka qaadan jireen qaar ka mid ganacsatada Muqdisho.

Maxamuud Maxamed Macalim ayaa Alshabaab 2020-kii, waxaana la sheegay inuu siin jiray xogta Ganacsiyada, gaar ahaan Dukaamada cusub ee laga furo degmooyinka Xamar weyne, Xamar Jajab, Waabari, Hodan, Howl wadaag iyo Boondheere, isagoo u gudbin jiray qiyaasta qiimaha hantida taalla goobtaasi ganacsi iyo taleefanka meheradda si loo handado loogana qaado lacag baad ah.

Ad

Karaama oo ah nin Isboorti oo aan laga shakineyn ayey ciidamada Amniga qabteen 29-kii Janaayo ee Sanadkan 2024, waxaan ugu dabeyn xukun lagu riday maanta.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON