Wednesday, February 19, 2025

Nuxurka Khudbadii uu Xasan Sheekh ka jeediyay Shirka Sacuudiga iyo Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Sacuudiga uga qeybgalay Madasha Iskaashiga Sacuudiga iyo Dalalka Afrika, isagoo khudbad ka jeediyay shirkaasi.
Madaxweynaha ayaa khudbadiisa kusoo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u wadaan dib u dhiska dalka, xoreynta deegaannada iyo xoojinta hay’adaha dowladnimada, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay haysato mustaqbal fiican.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey garab-istaagga iyo iskaashiga ka dhaxeeya Boqortooyada Sucuudiga iyo Soomaaliya, isagoo sheegay in siyaasadda guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aasaas u tahay wada-tashi iyo wax wada-qabsi, uuna rajeynayo in mira-dhalka shirkan uu noqdo kobcinta xiriirka labada dhinac.” ayuu khudbadiisa ku yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Wuxuu kaloo sheegay in Soomaaliya ay hormuud uga noqon karno caalamka dhinaca beeraha, kheyraadka xoolaha, isgaarsiinta, fududeynta ganacsiga, kheyraadka badda iyo hal abuurka tignoolajiyadda.

Ad

Wuxuu kaloo Madaxweynaha ka hadlay xaalda dagaalka ka socda Marinka Gaza, isagoo ku baaqay xabbad joojin iyo in la ogolaado si gargaar loo gaarsiiyo dadka ku go’doonsan Gaza.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale Magaalada Riyaad uga qeyb geli doona shirka Jaamacadda Carabta iyo kan Ururka Iskaashiga Islaamka oo looga hadli doono Dagaalka Gaza iyo Qaddiyadda Falastiin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON