Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliyeeed ee NISA ayaa shaacisay gadood ka dhex jira madaxda Alshabaab iyo tallaabo uu qaaday Amiirka Alshabaab Axmed Diiriye.
Qoraal kasoo baxay NISA ayaa lagu yiri: “Horjoogaha Maafiyada Alshabab Axmed Diiriye ayaa si toos ah ula wareegay Amniyaatka (Qaraxyada) Gobolka Banaadir, kadib markii uu gadood ka dhashay shirqoolkii lagu dilay Muuse Macalin, iyadoo ay sii korodhay Horjoogayaasha kale ee diidan beegsiga Joogtada ah ee Muqdisho..”
NISA ayaa hor u shaacisay in Alshabaab ay dishay madixii Amiyaadka Alshabaab Muuse Macalin (Mucaawiye) markii uu iska casilay xilka kadib, taasoo ka dhalatay khilaaf ka dhex abuurmay madaxda Alshabaab oo ku saabsan qaraxyada laga fuliyo Muqdisho.
Muuse Macalin oo hore u ahaa madixii Amniyaadka Alshabaab ee G/Banaadir ayey NISA sheegtay inuu ka mid ahaa garabka Mahad Karate oo sida ay sheegtay ka hor yimid qaraxyada ay Alshabaab ka fuliso caasimadda Muqdisho ee shacabka lala beegsado.