Qoraal jawaab ah oo kasoo baxay Hay’adda NISA ayaa lagu shaaciyay in qaar ka mida shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay xiriir wada-shaqeyn la leeyihii Alshabaab.
Warka kasoo baxay NISA oo jawaab u ahaa War-saxaafadeed shirkadda Isgaarsiinta Hormuud kasoo saartay weerar NISA ku qaaday xarumaheeda iyo cabsi gelin lagu hayo, waxaana si cad loogu sheegay in baaritaan lagu sameeyay Shirkadda lagu ogaaday in qaar ka mida shaqaalaha la shaqeeyaan Alshabaab.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA NISA:
MUQDISHO, 15 Janaayo 2024:
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyada oo ka duuleysa codsi uga yimid Shirkadda Hormuud, 26-kii bishii December 2023-kii oo ay ku waydiisatay in ay ka caawiso dhibaato ay kala kulantay Argagaxisada, kaddib baaritaan ay Hay’addu sameysay waxa ay ku ogaatay in qaar ka tirsan shaqaalaha Hormuud ay wada shaqayn iyo xiriir la leeyihiin argagaxisada. Sidaas awgeed, Hay’addu waxa ay shirkadda ka dalbatay in ay fatashaad ku samayso dhaqdhaaqa Koontooyin Bangi iyo Adeegga EVC Plus, sida ku cad qodobka 8aad Faqradiisa 3aad ee sharciga Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka.
Haddaba, halkii shirkadda laga sugayay in ay Hay’adda ku gacansiiso gudashada waajibkeeda Qaran, waxa ay diiday wadashaqayntii iyo ka jawaabista codsiyadii loo diray, waxayna fakisay eedeysanayaashii ka tirsanaa howlwadeennadeeda.
Sidaas darteed, Shirkaddu waxa ay si toos ah ugu tumatay Sharci Lr.003 qodobka 48-aad ee Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka iyo Sharci Lr.007 qodobka 11-aad ee sharciga la dagaallanka Argagixisada.
Ugu dambeyntii, Hay’addu iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda, waxa ay qaadday tallaabo waajib gudasho ah oo waafaqsan sharciga, waxayna soo xirtay qaar ka mid ah Howlwadeennada Shirkada oo is hortaag ku sameeyay shaqada Hay’adda.
F.G: Hay’addu marnaba ma doonayso in lala wadaago xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed, kaliya waxay doonaysaa in ay hesho xogta iyo dhaqdhaaqyada argagixisada.
Dhammaad
Xogta khilkaafka NISA iyo Shirkadda Hormuud ee cirka isku shareeray halkan ka akhriso