Thursday, April 24, 2025

NISA oo loogu baaqay inay weriyeyaal caan ah ka mamnuucdo Soomaaliya [Warbixin]

Hay’adda nabadsugidda Soomaaliyeed ee NISA ayaa loogu baaqay inay Soomaaliya ka mamnuucdo laba weriye heer caalami ah oo lagu eedeeyay inay la shaqeeyeen Alshabaab una fidiyaan dacaayadahooda.

Hamza Maxamed oo u shaqeeya Telefishanka Aljazeera qeybtiisa Ingiriiska iyo Jamaal Cusmaan oo la shaqeyn jiray Telefishanka Channel 4 ee fadhigiisu yahay Ingiriiska, dhowaana furtay wabraahinta DALSOOR ayaa dhowaan baahiyay wareysiyo ay la yeesheen afhayeenka Alshabab Sheekh Cali Dheere.

Wareysiga ayaa lagu eedeeyay inuu ahaa dacaayad loo fidiyay Alshabaab oo lagu sharcyeynayo falalkooda qarxinta iyo dilka isugu jira ee dadka shacabk ah ay kula kacaan, waxaana NISA ay barteeda twitter-ka soo dhigtay farriin lagu dalbanayo in labadan weriye laga mamnuuco Soomaaliya oo ay soo qortay haweeney Soomaali ah oo sheegtay inay Ashabaab dileen hooyadeed, ayna dhaawac ku yihiin labadan weriye oo dacaayad u sameynaya Alshabaab.

Ad
BidixL Jamaal Cusmaan, Hamsa Mohamed

Labadan weriye ayaa xiriir gaara la leh kooxda Alshabaab iyadoo arrintu gaartay heer looga shakiyo inuu jiro qorshe ka dhaxeeya, taasoo ay ugu wacan tahay sida ay Alshabaab u soo dhoweyso, isla markaana degaanada Alshabaab ay sahal ku tagaan, lana kulmaan madaxda sare ee ururkaasi, halka saxafiyiinta caadiga ah ee Soomaaliya iyo Muqdisho ka howlgala Alshabaab kula kacaan si joogto, kuna qarxiyaan goobaha ay isugu tagaan..!!

Waxaa kaloo isweydiin leh sababta NISA u fasaxday una ogolaatay in weriye Hamza Mohamed uu magaalad Dooxa kula laabto dhammaan agabkii, wareysiyadii iyo filimadii uu ka soo qaaday Alshabaab, kadib markii  ay Muqdisho ku xireen oo muddo laba maalmood ah ay hayeen.

- Advertisement -

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON