Ninka Sawir gacmeedyada sameeya oo u dhashay dalka Sweden, kaasoo kartoons afgalaado ah ka sameeyay Nebi Muxamed SCW ayaa si fool xun ugu dhintay Shil culus oo ka dhacay magaalo ku taalla dalka Sweden.
Ninkan oo lagu magacaabi jiray Lars Felix ayaa la socday gaari ay ku wehliyeen laba askari oo Boolis ah oo ilaalo u ahaa, waxaana dhacday inuu Gaarigooda si xun ugu dhacay gaari weyn oo xamuul ah, taasoo keenay inuu dhinto Ninkaasi, ayna la dhintaan labadii askari ee ilaalada u ahayd.
Ninkan oo ahaa 75 sano ayey booliiska dalka Sweden xaqiijiyeen geeridiisa, iyadoo jirkiisa noqday mid gubtay, markii shilka kadib uu dab qabsaday Gaarigii uu la socday iyo Gaarigii kale ee uu ku dhacay, waxaana geeridiisa ahayd mid fool xun oo shil iyo dab isugu darsameen.
“Shilka waxaa loo baarayaa sida shilalka kale ee taraafikada, laakiin maadaama uu sidoo kale khuseeyo dilka laba boolis, ayaa baaritaan gaar ah loo xilsaaray qeyb gaar ah oo ka tirsan Xafiiska Xeer -ilaaliyaha Guud,” ayuu yiri afhayeenka booliiska dalka Sweden.
Shilka wuxuu ka dhacay meel u dhow magaalada yar ee Markard, waxaana la badbaadiyey darawalkii waday Gaariga xamuulka, waxaase ku bas beelay Lars Felix, iyo askaritii iaalineysay markii uu dab qabsaday labadii baabuur ee isku dhacay.
Ninkan sawir-gacmeedyadaasi ku aflagaadeeyay Nebi Muxamed NNKH ayaa tan intii uu falkaasi ku kacay sanadkii 2007, waxay dowladda Sweden siisay laba askari oo ilaaliya, xilli kastana la socda, iyagoo laga cabsi qabo inay dilaan dadka Muslimiinta ah. Alqaacida ayaa 100,000 Dollar u balanqaaday qofkii soo dila ninkan.
Sawir gacmeedyadiisa waxay sidoo kale xiisad diblomaasiyadeed ka dhex abuureen Sweden iyo dallaka Muslimka, Iyadoo xilligaasi Ra’iisul wasaarihii Sweden Fredrik Reinfeldt uu la kulmay safiirrada dalalka Muslimiinta si loo yareeyo xiisadda.
Sannadkii 2015, Felix wuxuu ka badbaaday dhacdo toogasho ah intii lagu guda jiray shir ka dhacay magaalada Copenhagen, kaasoo sababay geerida Nin Agaasime ah oo u dhashay dalka Denmark.
