Sunday, May 25, 2025

Ninkii ka danbeeyay weerarkii Nice, France oo la aqoonsaday & Wararkii ugu danbeeyay

Booliska Faransiiska ayaan weli xaqiijin shaqsiga ka dambeeyay weerarka dhiigga badan ku daatay ee magaalada Nice lagu dilay 84 qof,

markii loo adeegsaday gaari xamuul ah oo la jiirsiiyay dad fara badan oo u dabaaldegay maalinta Qaranka Faransiiska, laakiin waxaa soo baxaya warar ay saxaafadda Faransiiska soo xigatay oo ka warramaya shaqsiyadda ninkan.

Wararku waxay sheegayaan inuu weerarka qaaday nin 31 sano jir ah oo asalkiisu yahay Tunisia, kaasoo hore Booliska ay u garanayeen oo kiisas dhex mareen, balse aan lala xiriirin weli kooxaha islaamiyiinta ah.

Ad

Ninkan waxaa magaciisa lagu sheegay  Mohamed Lahouaiej Bouhlel, waxaana la sheegay inuu yahay nin leh xaas iyo saddex caruur ah.

Gaariga uu ninkan weerarka ku geystay ayaa laga dhex helay waraaqo iyo dokumentiyo muujinaya inuu yahay nin  Franco-Tunisian ah oo ku noolaa magaalada uu weerarka ka geystay ee Nice.

Markii hore ayaa loo maleynayay inuu gaariga xakameyn waayay ama farriinkii uu goostay, balse waxaa caddaatay inuu si ula kac ah dadka ugu laayay, wuxuuna u muuqday nin ku faraxsan waxa uu sameynayo, sida uu sheegay mid ka mida dadkii badbaaday.

- Advertisement -

Ka sokow dadka dhintay waxaa xaalad halis ah ku jira 18 ruux oo isbitaalada ku jira,  sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Bernard Cazeneuve. Tirada dhimashada ayaa laga yaabaa inay gaarto in ka badan 100.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON