Wararka laga helayo dalka K/Afrika ayaa sheegaya in Nin Somali ah uu weerar Mindi loo adeegsaday oo naxdin leh ku qaaday Masjid Ku Yaalla Cape Town, ee dalka Koonfur Afrika, halkaasoo uu laba qof ku dilay, saddex kalena ku dhaawacay.
Ninkan Soomaaliga ah ayaa la sheegay inuu qabay xanuun xagga dhimirka ah, wuxuuna labada qof ee uu dilay kala yihiin Muwaadin Soomaali ah iyo Nin South Africa u dhashay, isagoo Mindi (Tooreey) u adeegsaday dilkooda oo ka dhacay Masjid ku yaalla Xaafadda Malmesbury ee Magaalada Cape Town.
Ninka weerarka gaystay oo magaciisa lagusoo gaabiyey Nuur, ayaa waxa uu sidoo kale isla weerarkaasi Mindida ah uu ku dhaawacay Saddex qof oo kale, Police-ka ayaa isna isla markiiba toogtay oo dilay markii uu isku dayey inuu weerarro ciidamada booliska.
Sida uu ku soo warramay weriye C/risaaq Idho weerarka ayaa dhacay xiliggii laga soo baxay Salaadda Tahajudka, waxaana uu argagax ku beeray Muslimiintii Masjidka usoo cibaado tagay.
Bil kahor ayey aheyd markii weerar midkan lamid ah lala beegsaday Masjidka Verulam oo ku yaalla Gobalka KwaZulu-Natal, kaasi oo Saddex ruux oo masjidka ku cibaadaysanayey ay naftooda ku waayeen.