Nin Somali-Canadian ah oo ku Guuleystay Kursi Baarlamaanka Gobolka Ontario ee dalka Canada (Sawirro & Video)

0

Nin Soomaali ah ayaa ku guuleystay kursi ka tirsan Baarlamaanka Gobolka Ontario ee dalka Canada, isagoo noqday Soomaligii ugu horeeyay ee Reer Canada oo ku guuleysta doorshada Baarlamaanka Gobollada dalkaasi.

Feysal Hassan oo ku tartamyey magaca xisbiga NDP ayaa helay codad dhan 36.08 & halka musharixii ugu weynaa ee la tartamayey ee Mark DeMontis uu helay 32.95 %, waxaana haweeneydii kursigan hore u heysatay ee Laura Albanese ay heshay 27.83 %.

Taageerayaal isugu soo baxay guushiisa ayuu Feysal Xasan u sheegay inay uga dhigneyn guusha uu gaaray heerkii ugu danbeeyay, balse ay tahay bilowga wuxuuna dadka degaanka laga soo doortay ee  York South-Weston uga mahad celiyey kalsoonida ay siiyeen.

Feysal Xasan ayaa hore u ahaa weriye idaacadaha ka hadla intii aanu siyaasadda gelin, wuxuuna taariikhda ku galay inuu noqday Soomaaligii ugu horeeyay ee loo doorto baarlamaan Goboleed ka tirsan dalka Canada.