Nin qori kala wareegay askari Boolis ah oo xaalad cabsi iyo kala carar ka dhaliyay Garoonka Oryl ee Paris

0

Nin isku dayay inuu qori ka qaato askari ka mida ilaalada Garoonka diyaaradaha Orly ee magaalada Paris ayaa toogasho lagu dilay, iyadoo khalkhal weyn iyo isku dhex yaac ka abuuray garoonkaasi.

Ninkan ayay u suuragashay inuu qorigii ka qaato askriga, laakin  Ciidanka nabadgelyada waxay ninkani dileen kadib qoriga la wareegay isagoo ku joogay qaybta koonfureed ee Garoonka.

Garoonka diyaaradaha ayaa la xidhay dhacdadaa kaddib, iyadoo xaaladu noqotay mid aad u khatar ah, rakaabkii la socday diyaaradihii markaa uun soo cago dhigtayna waxa lagu wargeliyey in aanay soo degin, dad dhoofi lahaa ayaa la hakiyay, iyadoo qaar badan la daadgureeyay.

Ciidamo fara badan oo garoonka la geeyay ayaa howlgallo ka sameeyay garoonka iyadoo muddo saacado ah la hakiyay shaqadii garoonka. Booliska ayaa baaaraya ninka la toogtay iyo halka uu ka yimid.

Garoonka Orly ayaa ku yaalla dhinaca koonfureed ee magaalada Paris, waana kan labaad ee ugu mashquulkacaasimadda Faransiiska ee Paris.