Wednesday, April 23, 2025

Nin Meyd ah oo laga helay Wadadda Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho [Sawirro]

Meydka Nin dhalinyaro ah ayaa Saaka lagu arkay Wadadda Maka Al-Mukarama ee Muqdisho gaar ahaan halkii uu dhowaan Qaraxa ka dhacay, gaar ahaan luuqa Hotelka Kuwati Palace oo kas oo horjeeda Hotelka Maka Almukarama.

Dad badan aya isugu soo baxay goobta, iyadoo meydka ninkan oo da’diisa lagu qiyaasay 25 sano jir aanay ka muuqan wax dhaawacyo ah, waxaana markii danbe goobta ka qaaday Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyadoo la geeyay Xarunta CID-da ee dembi baarista.

Dadka xaafadda ayaa sheegay ninkan uu ka mid ahaa dadka Qaadka Garaabadda Isticmaala ee derbi-jiifka xaafadaasi, waxaana shaki laga qabaa inuu u dhintay Koronto markii u damcay inuu Baalle ka mida kuwa BECO uu ka furto Qalab ku xirnaa.

Ad

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON