Friday, May 23, 2025

Nin lagu qabtay isagoo sida Xubno Bani’aadam oo xaalad cabsi ah ku dhaliyay Dadka Muqdisho

Nin sida xubno ka mida jirka Bani’aadamka ayaa cabsi weyn ku dhaliyay dadka Muqdisho, kadib markii lagu qabty duleedka Muqdisho.

Ninkan ayaa ciidamada ku sugan Ex. Kontarol Afgooye ay qabteen xilli ay dad badan ku xoonsanaayeen, waxaana lagu arkay inuu siday Lug qof bani’aadam ah oo go’an, isagoo sheegay in looga soo dhiibay mid ka mid Isbitaallada Muqdisho si uu u aaso, lacagna lagu siiyay, iyadoo uu intaas raaciyay in qoftii laga jaray uu nool yahay.

Arrintan oo shaki abuurtay ayaa loo gudbiyay xarunta Denbi baarista CID-da si loo xaqiijiyo, waxaana sarkaal ka tirsan ciidamada qabtay ninkan ay sheegeen inay ka shakiyeen ninka waday jirka bani-aadamka, isla markaana la baari doono, waxa ka jira isbitaalka uu sheegay inuu u soo dhiibay.

Ad

Jirka laga jaro bukaanada ayaa isbitalaada Muqdisho ay maareyn jireen iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee dhacdo noocan ah lagu qabto, waxaana qofka arrintan ku lug leh lagu sheegay inuu ahaa 20 sano jir.

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON