Rag hubeysan ayaa magaalada Muqdisho ka fulisay fal khaarijin ah oo lagu dilay Nin dhalinyaro ah oo la dhashay xildhibaan Yaasiin C/llaahi Farey oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Dilka ayaa xalau saqdii dhexe kadib ka dhacay degmada Yaqshiid ayaa warar kala duwan kasoo baxayaan, iyadoo qoyskiisa laga soo xigtay inuu ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugidda, ayna dilkiisa heystay ciidamo kale oo ka tirsan Hay’adda NISA.
Waxaa socda baaritaanno ku saabsan dilka Marxuumka, iyadoo in la xiray askar ka tirsan ciidamada nabadsugida ee dharcadka oo lagu tuhunsan yahay Dilkan Cabdi C/llaahi.
Waxaa Magaalada Muqdisho waxaa ka howlaga ciidamo fara badan oo ka tirsan Dhar-cadka NISA, waxayna mararka qaarkood ku lug yeeshaan falal amni darro.