Saturday, May 17, 2025

Nin Kenyaan shaqo raadis ahaa oo xabsi dheer loogu xukumay inuu tegay Soomaaliya

Nin Kenyaati ah oo shaqo raadis ahaa ayaa ku danbeeyay in xabsi dheer lagu xukumo markii la soo taagay maxkamad ku taalla magaalada Mandheera, Waqooyi Bari Kenya.

Ninkan oo 32 sano jir ah laguna magacaabo Simon Karuga Gitau oo ka soo jeeda magaalada Kirinyaga ayaa lagu soo eedeeyay in si sharci darro ah ugu safray dalka Soomaaliya oo xarun argagixiso ah, isagoo aan marin goobaha xuduudka ee sharciga ah.

Waxaa la soo taagay maxkamadda Mandheera, kadib markii la qabtay 13-kii September markii uu gudaha u galay Soomaaliya masaafo dhan 8 KM. Nin ayaa la sheegay inay qabteen dadka degaanka, loona gacan geliyay Booliska Kenya.

Ad

gitau-somalia

Qareenka u doodaya ninkan ayaa sheegay inuu 31 Ogost ka tegay degaankiisa Mwea isagoo u tegay Mandheera shaqo raadis, wuxuu sheegay inuu kireysay guri maalintii uu bixinayo 200 shilinka Kenya, kadinba uu raadiyay guri raqiis ah. kadibna ay dhacday inuu lumay oo Soomaaliya galay.

Doodan ayay diiday Maxkamadda, waxaana lagu xukumay 10 sano oo xarig ah, isagoo shaqadii uu raadinayay ay ku danbeysay xabsi.

- Advertisement -

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON