Tuesday, March 25, 2025

Nin kasoo goostay Alshabaab oo ka hadlay Qiso Cajiib ah oo saameyn ku yeelatay “Askarigii dhiman waayey!”

Booliska Magaalada Dhuusamareeb ayaa soo bandhigay Nin ka tirsanaa Alshabaab oo kasoo goostay, kaasoo ka hadlay mudaddii afarta sano ah ee uu Alshabaab ka mid ahaa iyo wixii uu kusoo arkay.

Ninkan oo lagu magacaabo Calas Axmed Xirsi (Careys) ayaa sheegay inuu Alshabaab uga biiray degaanka Ceel-la-helay ee Gobolka Galaduud, isagoo ka qeyb galay laba dagaal oo ka dhacay duleedka Dhuusamareeb iyo deganka Bacaadweyn.

Dhibaatooyinka Alshabaab uu kala kulmah wuxuu ku sheegay inay tahay, iyadoo aan loo ogoleyn inuu waalidkiisa xiriir la sameeyo ee uu go’doon yahay, wuxuuna sheegay inay saameyn ku yeesheen sida arxan darrada ah ee ay u dilaan dadka.

Ad

Careys ayaa ka hadlay qiso uu goobjoog u ahaa oo ku saabsan nin ka mida askarta Dowladda ka oo u gacan galay Alshabaab ayna jirdil xoog leh ka sameeyeen, sidaasina uu ku qirtay denbigii ay ku heysteen.

“Markii uu denbiga qirtay waxay ku dhaheen: Shaarkaada ayaa lagu soo dhaqayaa, indha ayey ka xireen.. kadib rasaas ayey ku fureen, waana ku dhiman waayey, kadibna mid Alshabaab ka mida ayaa la dul tegay qori oo madaxa ka toogtay.. taas ayaa iigu yaab badneyd, markey i arkeen inaan falkaas ka xumaaday ayey igu yiraahdeen: Gaal murtad ah ayaad u calool xumaaneysaa..” ayuu yiri Calas Axmed Xirsi (Careys) oo saxafiyiinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb.

HOOS KA DAAWO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON