Sunday, May 25, 2025

Nin kasoo baxsaday Alshabaab oo ka hadlay Ciqaab ay marsiiyeen oo ku dhalisay inuu ka baxsado

Mid ka mida maleeshiyada Alshabaab oo iska dhiibay magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay ciqaab adag oo ay marsiiyeen oo keentay inuu kasoo ka baxsado.

Ninkan dhalinyarrada ah oo lagu magacaabo Mowliid Cumar Faarax (Cirro) ayaa sheegay inuu Shabaab ku taskiiliyey nin ay wada deganaayeen degaanka Habaasweyne, isagoo u sheegay inuu ka helayo mushaar 300 dollar ah.

Waxaa laga qaaday degmada Ceelbuur, waxaana kadib loo qaaday magaalada Bu’aale oo kadib tababar loo geeyay degaanka Dac oo 4 bilood uu joogay isaga iyo 340 maleeshiyo ah, kadibna qeyb uu ku jiro la geeyay Jubbooyinka oo ay dagaalkii koowaad uu uga qeyb galay.

Ad

Mowliid wuxuu ka hadlay ciqaab darran oo ay marsiiyeen Alshabaab, kadib khaladaad yar oo uu galay sida in nin kale oo ay is dagaaleen loogu xiray Ceelbuur muddo 15 maalmood ah, lagaan jebiyey laba feer, sidii loogu waday qori baadkiisa iyo ul, lana garaaci jiray habeen kasta.

Mar kale wuxuu sheegay in dagaal dhex maray askari kale oo Shabaab ka tirsan loo ciqaabay, iyadoo geed laga soo laadlaadiyey markii cimaamad lagu xiray oo muddo 24 saacadood ah uu ku xirnaa, ayna garaacayeen.

Mowliid Cirro ayaa caddeeyay in haddii aad hal rasaas ah rido ay Alshabaab ciqaabo adag marsiinayaan, kadibna uu goostay inuu isaga soo tago, kana soooi dhuuntay habeen madow, kadibna ay soo daba galeen ilaa uu kasoo baxsaday, kuna galay Guriceel, isgoo isu dhiibay maamulka degaankaasi oo soo bandhigay.

- Advertisement -

HOOS KA DAAWO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON