Wednesday, February 19, 2025

Nin ka baxsaday Xabsiga Boosaaso oo abaabulay Qarixii lagu dilay Wasiirkii Cadaaladda K/Galbeed

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukun ku riday laba Rag ah iyo Haweeney lagu helo inay abaabuleen, ayna fuliyeen Qarixii lagu dilay Wasiirkii Cadaaladda Maamulka Koonfur Galbeed ibraahim Lugbuur & Wiilkiisa oo 29-kii Bishii July 2022 qarax lagu dilay magaalada Baydhabo.

Qaraxa lagu dilay Wasiir Lug-buur iyo Wiilkiisa ayey xeer ilaalintu sheegtay inuu ka danbeeyay Maxamed Meeris Ibraahim oo weli ah maqane, kana mid ahaa Maxaabiistii Alshabaab ee ka baxsatay Xabsiga Magaalada Boosaaso, kadib weerarkii Al-Shabaab.

Ibraahim Meeris Ibraahim ayaa Xeer ilaalinta ay sheegtay in uu ahaa fuliyaha qaraxa, isla markaana ay ehel dhow ahaayeen wasiirka, isgoo dhowr mar uu ka badbaaday markii ay xireen Hay’adaha Amniga. Ninkan ayaa miinada dishay wasiirka ku aasay wadaddii uu Wasiirka soo mari jiray xilliga uu u socdo Masaajidka.

Ad

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute oo Baydhaba ku sugan ayaa shaaciyey go’aanka Maxkamadda oo ah in Ibraahim Meeris Ibraahim & maqane Maxamed Meeris Ibraahim oo walaallo ah dhashay lagu xukumay Dil toogasho; halka Falastiin Aadan Shuceyb lagu riday xukun ah 15 sano oo Xabsi ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON