Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka ee NISA ayaa shaacisay muuqaalka Nin la sheegay inuu weerar Bam Gacmeed geysan rabay, iyadoo ayc iidamada gacanta ku dhigeen intii uusan falkaasi fulin.
Hay’adda NISA ayaan soo bandhigin magaca ninka iyo faahfaahin kale, laakiin qoraal kasoo baxay ayaa lagu sheegay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab, isagooo doonayey inuu qaado weerar Bambaane. “Ciidamada Amniga ayaa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe ka tirsan Alshabab, isagoo doonayey inuu Bam-gacmeed tuuro, waxaana la qabtay isagoon wax qasaara ah u gaysan shacabka. Waxaana la xisaabtamaya hay’adaha ku shaqada leh” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.
Ma jirto faahfaahin kale oo laga bixiyey qabashada ninkan iyo goobta uu damcsanaa inuu weerarka ku qaado, mana jirin qasaare ka dhashay soo qabashadiisa.
Hay’adaha amniga ayaa ku guuleystay muddooyinkii ugu danbeeyay inay ka hortag iyo ka dabatag ku sameeyaan Alshabaab geysta dilalka, waxaaa si la dareemiro hoos ugu dhacay qaraxyadii iyo dilalkii ka dhici jiray caasimadda Muqdisho.