Saturday, April 13, 2024

Nin Dab is qabadsiiyey oo ku Geeriyooday magaalada Hargeysa iyo Sababta keentay

Waxaa maanta magalada Hargeysa ku Geeriyooday nin Dab is qabadsiiyey, kaasoo la sheegay inuu Guri isku soo xiray, sidasina meydkiisa loogu tegay.

Ninkan oo deganaa xaafada Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa ayaa maanta 1:00 duhurnimo arrintan ku kacay, waxaana lagu magacaabi jiray Axmed Nuur Sheekh Muumin, isagoo Dab is qabadsiiyay.

Ciidamada Dab-demiska magaalada Hargeysa ayaa markii lagu soo wargeliyay, waxay si degdeg ah u gaareen goobtaas, hasayeeshee marxuumka oo kaligii guriga joogay, iskuna xiray Albaabka ayaan Naf lagu gaarin.

Ad

Ma cadda sababta uu isku gubay, hase yeeshee waxay ehelada marxuumku sheegeen in xanuun xaga maskaxda ah qabay, kana yimi Qurbaha, isagoo weliba kaligiina guriga uu ku noola Guriga.

Ciidamada Booliska gaar ahaan Qaybaha CID kiiskaas kiiska gacanta ku haya. waxaan sidoo kale ka hawlgalay Gaadiidka Ambalaaska Cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON