Monday, October 2, 2023

Nin Caan ka ah Baraha Bulshada oo lagu dhaawacay Muqdisho iyo xaaladiisa oo..

Waxaa magaalada Muqdisho caawa lagu dhaawacmay nin caan ka ah Baraha bulshada oo lagu magacaabo  Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Bilaal Bulshaawi).

Ninkan lagu magaciisa Baraha bulshada uu yahay ‘Madaxweynaha Tiktok-ga’ ayaa la dhaawacay xilli uu ku sugnaa maqaayad ku taala agaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxaana weerarray laba nin oo Bistoolado ku hubeysnaa.

Xaaladda dhaawaca Bilaal Bulshaawi ayaa wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inay degan tahay, balse ay laba xabbadodo uga dhaceen Afka iyo Dhegta hoostiisa, haddana lagula tacaalayo mid ka mida Isbitaallada Muqdisho.

Ad

Lama sheegin cidda beegsatay ninkan oo ka mida dhalinyarada Magaalada Muqdisho ee Baraha bulshada, iyadoo ay Muqdisho xowli uga socdaan dilalka qorsheysan ee casimadda ka dhacaya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!