Friday, March 28, 2025

Nin Bistoolad ku hubeysnaa oo lagu toogtay Muqdisho iyo Faahfaahin laga helay

Faahfaahin ayaa laga helay nin isago bistoolad ku hubeysan lag toogtay degaanka Garasbaaley ee magaalada Muqdisho, kaasoo la sheegay inuu ka tirsanaa Alshabaab.

Ciidamada Booliiska e Saldhigga degaanka Garasbaaley ayaa saakay toogasho ku dilay Dabley la sheegay inuu ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, xilli uu doonayay inuu dilo askari ka tirsan ciidanka dowladda.

Ninkan ayey ciidamada Amniga sheegeen inuu qorsheynayay Dilka askariga ka tirsan ciidamada aruuriya Canshuuraha, waxayna ciidamada ku dileen isgoyska xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim, sida uu sheegay Taliska Quud ee Booliska gobolka Banaadir.

Ad

Askariga la dili lahaa ayaa la sheegay inuu iska difaacay rasaasna ku furay ninka Dableyda ah, markii rasaas uu ku riday ay haleeli weysay askariga, wuxuuna ugu jawaab rasaas darandoori ah oo keenay inuu ninkii Bistooladda ku hubeysnaa goobta ku dhinto.

Dilkan ayaa imaanaya iyadoo maalmihii ugu danbeeyay ay Muqdisho ku bateen dilalka qorsheysan ee Alshabaab ka fulineyso.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON