Friday, March 28, 2025

Neef Ari Mucjiso ah oo ku dhashay magaalo ku taalla dalka Masar iyo argagax ka dhashay (Sawirro)

Waxaa magaalo ku taalla dalka Masar Neef Ari ah oo madax daanyeer leh, kaasoo argagax dhaliyey, si weyna looga hadlayey maalmihii ugu danbeeyay.

Arrintan ayaa ka dhacay Gobolka Assiut ee koonfurta Masar, waxayna ahayd arrin la yaab leh oo dhif iyo naadir ah, markii Muwaadinkan reer Masar ee lagu magacaabo Hussein Hassan Sayed, oo ka soo jeeda tuulada Gifts ee gobolka Assiut ay u dhalatay Ari (Waxar) madaxeedu ama qaarkeeda hore u eg yahay Daanyeerka.

Ninkan ayaa sheegay inuu Arriga ku dhaqdo gurigiisa, balse si lama filaan ay Ri’ u dhashay laba Waxarood oo mid ay caadi ahayd, laakiin tan kale ay ku arkeen arrin ay la yeebeen markii madaxeedu u ekaaday madaxa daanyeerka.

Ad

Neefka Mucjisada ah ayaa laba maalmood kadib dhintay, Wuxuuse cabsi weyn geliyay Qoyska lahaa iyo dadka deriska la ahaa, laakiin intii uu dhoolaa waxaa la sheegay inuu si caadi ah naaska u nuugyey.

Dhaqaatiirta caafimaadka xoolaha ee gobolka ayaa arrintan yaabka leh baaris ku sameeyay, waxayse kusoo koobeen arrinta in si loo ogaadaan sababta ay ku dhasheen ay u baahan tahay daraasad cilmi ah.

Dhacdadan ayaa noqotay hadal heynta baraha ay bulshada ku wada xiriirto ee dalka Masar, waxaana si eeyn loo faafiyey sawirro laga soo qaaday xayawaankii la yaabka lahaa.

ماعز
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON