Tuesday, February 18, 2025

Naxdin Weyn oo ka dhalatay Fal lagu dilay Imaam Caan ka ahaa Soomaalida Mareykanka

Soomaalida Mareykanka ayaa si weyn uga naxay dilka Imaam caan ah oo meydkiisa xalay laga helay magaalada Ohio, Gobolka, kadib markii laba maalmood la waayhy.

Allaha a u naxaristee waxaa la helay meydka Sheekh Maxamed Xasan oo Imaam ka ahaa MasjiXka Abuu-hureyra ee magaalada Columbus ee dalka Mareykanka. Wuxuuna sidoo kale ka shaqeyn jiray arirmaha samafalka, isagoo ahaa aqoonyahan iyo Sheekh aad loo yaqaan oo bulshada caawiya.

Muddo laba maalmood oo la raadinayay, kadibna waxaa raadin u bilaabay dadweynaha Soomaalida iyo Booliska. Ugu danbeyn waxaa meydkiisa laga helay duleedka magaalada oo dhalinyaro loo diray oo Soomaali ah ay ku arkeen, waxaana halkaas isugu soo baxay Soomaali fara badan oo ka murugeysan falka naxdinta leh ee dilka Imaamka.

Ad

Sheekh Maxamed Xasan wuxuu maamule ka ahaaMasjidka Abuu-Hureyra ee magaalada Columbus, wuxuu waqti badan geliyay faafinta iyo xoojinta diinta Islaamka.

Wuxuu ahaa aqoonyahan culuumta Islaamka ku qaatay shahaadada ugu sarreysa ee PhD. Dr. Maxamed Xasan wuxuu kale oo ahaa ganacsade dadaal badan oo dad badan u sameeyay shaqo abuur.

Wuxuu aasaasay goobo ganacsi oo kala duwan wuxuuna kaalin muuqata ka qaadan jiray howlaha samafalka ah ee loogu gurmanayo Muslimiinta ku dhibaataysan dal iyo dibad labadaba.

- Advertisement -

Dilkiisa wuxuu gilgilay Soomaalida iyo muslimiinta Mareykanka, waxaana socda baaritaanka falka lagu dilay, iyadoo hoggaamiyeyaasha Soomaalida Mareykanka ay dalbadeen in cadaaladda la horkeeno dadkii dilay Sheekha.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON