Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Doorashooyinka dalka Turkiye ayaa ku dhawaaqay natiijadii ugu danbeysay ee Doorashada shalay ka dhacay dalkaasi oo si adag loogu tartamay.
Doorashada ugu xiisaha badan ee Madaxweynaha ayaa ilaa hadda la tiriyay 99% codadkii la dhiibatay, waxayna natiijada rasmig ah ay noqotay:
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan: 49.40%
Musharaxa mucaaaradka Kemal Kilicdaroglu: 44.96%
Musharaxa Ogan: 5.2%
Natiijadan ayaa ka dhigan in wareeg labaad uu dhex mari doono labada musharax ee ugu sareeya, balse Madaxweyne Erdogan ayaa sugaya tirinta codadka ugu danbeeya, isagoo kaliya u baahan wax ka yar 1%, waxaana harsan ilaa 1500 Sanduuq oo u badan codadka dadka Turkiga ee dibadda ku nool, kuwaas oo taageerayaal badan uu ku heysto Madaxweynaha xilka haya.
Madaxweyne Erdogan oo xalay xilli danbe ka hadlay isu soo bax taageerayaashiisa ugu sameeyeen magaalada Ankara ayuu ka sheegay inay sugayaan natiijadau gu dambeysa, ayna guuleysanayaan, haddii wareeg labaad ay noqotana ay diyaar u yihiin.
Waxaa la sugayaa musharaxa uu taageeri doono Ninka saddexaad ee Doorashada Madaxweynaha kusoo baxay Sinan Ogan oo helay codad aan la fileyn oo ah 5.2%.