Hakan ka akhriso Natiijada Fasalka 8-aad 2023
Agaasinka Waxbarashada Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaacisay natiijada Imtixaankii faslaka 8-aad ee Dugsiyada Dhexe sanad dugsiyeedka 2021/2022.
Xaflad lagu shaaciyey natiijada imtixaanka ayaa lagu sheegay in guud ahaan imtixaanka ay u fariisteen 26,860 Ardey, kuwaas oo imtixaanka ku galay 69 xarun, iyadoo ay ka qeyb qaateen ardag ka kala soxotay 590 iskuul oo ka mid ah Dugsiyada Gobalka Banaadir.
Waxaa imtixaanka sanadkan 2022 gudbay 24,443 Arday (91%), halka tirada hartay ay gaareen 2,417 (9%(. Tirada Wiilasha ee Imtaxaanka gashay ayaa dhan 15,119 oo Ardey, waxaa gudubtay 13,683 oo ka dhigan 51% tirada guud, waxaana haray 1,436 Ardey oo ka dhigan 5%.
Tirada gabdhaha ee imtaxaanka gashay ayaa dhan 11,741 Ardey, waxaa gudubtay 10,760 oo u ka dhigan 40% tirada guud, halka tirada hartay ee gabdhaha ay gaareyso 981 Ardey oo ka dhigan 4% tirada guud.
Halkan ka fiirso Natiijada imtixaanka (Geli RL-kaada)
AKHRISO 10-KA ARDAY EE UGU HOREEYA IMTIXAANKA
