Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka ayaa shaacisay Natiijada Imtixaanka dowladda ee Dugsiyada Sare ee dalka sanad dugsiyeedka 2021-2022.
Wasaaradda Waxbrashada ayaa ku sheegtay in tirada baastay imtixaanka guud ee shahaadiga ee fasalka 12-aad sanad dugsiyeedkii tegay uu yahay 32,325 arday oo u dhiganta 97%. halka y imtixaanka ku dhaceen 1143 arday oo u dhiganta 3%.
Ardayda sanadkan ku dhacay imtixaanka Dowladda ee ay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ka qaaday Iskuulada ku yaalla gobolka Banaadir & dowlad 4 dowlad Goboleed ayaa dhicitaanka hoos loo dhigay, iyadoo la fududeeyay sixitaanka.
1,100 ka mid ah ardayda ku dhacday imtixaanka dowladda waxay ku galeen Gobolka Banaadir, halka 43-da kale ay imtixaanka ku galeen gobollada kale ee dalka, sida degaannada.
1 – Koonfur Galbeed 24 arday ayaa dhacday.
2 – Galmudug 7 arday ayaa dhacday.
3 – Jubbaland 6 arday ayaa dhacday.
4 – HirShabelle 6 arday ayaa dhacday.
NATIIJADA ARDAYGA (GUJI)
NATIIJADA DUGSIYADDA
