Wararka laga helayo magaalada Muqdish oayaa sheegyaa in koox dabley ah ay toogasho ku dileen oday nabadoon ah oo ka mid ahaa ergadii soo dooratay xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka.
Nabaddoonka ayaa lagu Magacaabi jiray Nabaddoon Warsame Ismaaciil, waxaana lagu dilay waxaa Xaafada Baar Ubax ee Magaalada Muqdisho, kadib weerar ay ku qaadeen rag bistoolado ku hubeysan.
Dilka ayaa ka dhacay agagaarka Guriga nabaddoonka ee Xaafada Baar Ubax. Wararka ayaa sheegaya in Nabaddoonka la dilay uu ka mid ahaa Odayaashii ka qeyb galay doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, gaar ahaan Mahad Salaad oo dhawaan loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda NISA.
Nabaddoonka ayaa sidoo kale ka mid ahaa ganacsatada leh xarunta ganacsi ee Som Oil ee magaalada Muqdisho, waxaana muddooyinkan dambe la sheegay inuu helayay farriimo hanjabaad ah.