Friday, November 8, 2024

Nabadoon Caan ahaa iyo Askari ilaalo u ahaa oo lagu dilay magaalada Muqdisho (Faahfaahin)

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox dabley ah ay toogasho ku dileen nabadoon caan ahaa iyo askari ilaalo ahaan ula socday.

Dilkan oo ka dhacay degmada Yaaqshiid, gaar ahaan xaafadda Suuq Bacaad ayaa wararku sheegayaan in Nabadoonka ay weerareen dabley Bistoolado ku hubeysnaa oo rasaas badan ku furay Nabaddoon Ugaas Xuseen Maxamed Daa’uud iyo askariga la socday oo lagu magacaabi jiray Mahad Maxamud Cadow (Mahad Uunsow) , halkaasoo ay ku dhinteen labadiiba.

Ugaaska ayaa ka mid ahaa odayasha dhaqanka ee soo xulay xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana lagu dilay xilli uu fadhiyay goob Baar ah, iyadoo ay baxsadeen dableydii dilka geysatay.

Ad

Dilka khaarijinta ah ee Ugaas Xuseen Maxamed Daa’uud ayaa imaanaya iyadoo magaalada Muqdisho ay ku soo bateen qaraxyada iyo falalka khaarijinta ah oo laga nastay Bishii Ramadaan.

Ciidamada Amniga ayaa tegay goobta dilku ka dhacay iyagoo halkaasi ka qaaday labada meyd si baaritaan loogu sameeyo, mana jirto faahfaahin ay kasoo saareen hay’adaha Amniga iyo maamulka G/Banaadir.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON