Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Qarax Miino lala beegsaday Gaari ay la socdeen Odayaal nabadoon ah oo caan ka ah Gobolkaasi.
Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow degaanka Buq Aqable ee Alshabaab ka taliyaan, waxaana uu dhaliyey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyado ay ku dhinteen 3 Nabadoon iyo wiil uu dhalay Nabaddoon ka mida kuwa qaraxa ku dhintay.
Magacyada Odayaasha Qaraxa ku dhintay ayaa kala ah:
1- Nabadoon Yuusuf Fiidow Faarax
2- Wiilkiisa Ibraahim Yuusuf Fiidow
3- Nabadoon Mukhtaar Xaaji
4- Iyo Nabadoon Xasan Xuseen Lugayare.
Meydadka odayaasha geeriyooday iyo dhaawaca ah ayaa la geeyay degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan, waxaana magaaladaasi, halkaaso oo uu ka socdo qabanqaabada aaskooda.
