Monday, October 2, 2023

Nabaddoonkii labaad oo lagu dilay Muqdisho iyo Waxgaradka Beel gaar ah oo la beegsanayo

Nabadoonkii labaad ayaa xalay toogasho lagu dilay magaalada Muqdisho muddo 48 saac gudaheed ah, iyadoo faahfaahin ka soo baxeyso cidda ka dambeysa dilalkaasi khaarijinta ah.

Nabaddoon Sheekh Cabdi Maxamed JImcaale (Faniinte) ayaa koox hubeysan ku beegsaday xilli uu kasoo baxay Salaadii Maqrib, waxayna ka baxsadeen goobta, kadib markii ay fuliyeen dilka Sheekha oo dhinaca kale ahaa nabadoon.

Dilkan ayaa imaanaya in ka yar 48 saacadood, kadib markii la dilay Nabaddoon Sheekh Salaad Ciise oo ay isku beel iyo degaanba ahaayeen, waxayna dad badan arrinta ku eedeeyeen Alshabaab.

Ad

Labada Nabadoon ee la dilay ayaa kasoo jeeda degaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud oo dhowaan dagaal culus uu ka dhacay, laguna laayey maleeshiyooyin ka tirsan Alshabaab.

Waxaa la rumeysan yahay in Alshabaab ay dilka odayaashan isku beesha ah u fulisay aargoosi ku saabsan dagaalkii Baxdo, laakiin Alshabaab ayaa ka gaabsatay inay sheegato mas’uuliyadda dilka labada Sheekh.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!