Tuesday, September 17, 2024

Nabaddoon ku jiray waanwaan Nabadeed oo lagu dilay Cadalle iyo Mas’uuliyiin ka hadlay

Mid ka mida beelihii waanwaanta laga dhex waday ee dhowaan ku dagaalamay degaano hoostaga degmada Cadalle ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa toogasho ku dishay nabaddoonkoodii, falkaas oo aad looga naxay.

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, mas’uuliyiin iyo xildhuibanano ayaa si weyn u dhaleeceeyay falkaasi, iyagoo ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Nabadoon Mukhtaar Axmed Maxamed.

Dilkan naxdinta leh ayaa ka dhacay Degaanka Caddow Uul, ee degmada Cadalle, wuxuuna Madaxweynaha Hirshabeelle ku tilmaamay Nabaddoon Mukhtaar geeriyooday xilli uu ku howlanaa nabadeynta beelo walaallo ah oo ku dagaalamay degaano hoosyimaada degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ad

Waxa kaloo goobta falkan ka dhacay ku dhintay dad kale, waxaana dhaawac kasoo gaaray Guddoomiyaha degmada Cadale

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, bahda dhaqanka iyo guud ahaan ummaad Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Nabadoon Mukhtaar Axmed Maxamed, Marxuumku waxa uu ka mid ahaa hoggaanka nabadda iyo dhaqanka bulshada isagoo geeriyooday xilli uu ka shaqeynayay nabadeynta beelo walaalo ah.”

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa isna qoraal tacsi ah oo uu soo saaray ku yiri: “Allah ha u naxariisto Nabadoon Mukhtaar Axmed Maxamed oo geeridiisa isoo gaartay. Waxaan tacsi u dirayaa ehelka, qoyska iyo guud ahaan qaraabada, waxaana ilaahay SWT uga baryaa inuu u naxariisto”.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON