Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Nabaddoon caan ka ahaa Gobolkaasi uu maanta ku geeriyooday dagaal culus oo uu la galay Alshabaab.
Allaha u naxariistee Nabadoon Cilmi Hagar Guure ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday dagaal Maanta ka dhacay degaanka Ceel-qooxle ee Gobolka Hiiraan oo dhex maray Ciidamada dowladda & dadka degaanka oo dhinac ah & Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday.
Nabadoonka ayaa dhowaan Qorigiisa qaatay, isagoo ku biiray ciidamada degaanka ee dagaalka kula jira Alshabaab, waxayna geeridiisa maanta si weyn u qabsatay Baraha bulshada.
Nabadoon Cilmi Hagar wuxuu tusaale u noqday dadka degaanka Gobolka Hiiraan oo halgan adag kula jira Alshabaab, kadib markii ay ceelashii ka qarxisay, xoolo badan ka dhacday, isla markaana muddo dheer go’doon ku heysay degaanada Gobolka Hiiraan.
“Alle ha u naxariisto Nabadoon Cilmi Hagar Guure. Wuxuu ahaa nabadoon geesi ah, hogaaminayay dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xoreynta deegaanada Gobolka Hiiraan. Waa mujaahid farriin dhaxal reeb ah u reebay dadka deegaanka, kuwaasoo diyaar u ay in ay rumeeyaan riyadiisa Gobolka Hiiraan oo argagixisada xor ka ah” ayuu yiri Wasiir hore C/llaahi Goodax Barre.
