Wararka laga helayo degmada Afgooye ayaa sheegaya in koox dabley ah ay toogasho ku disahay Nabadoon caan ka ahaa degmadaasi.
Nabaddoon Aadan Abshir Maaddeey (Bujis) ayaa lagu weerarray meel u dhow saldhigga Booliska degmada Afgooye, iyadoo halkaasi uu ku geeriyooday, waxaana baxsaday dableydii weerarka geysatay.
Nabadoonka ayaa Gurigiisa kasoo baxa xilliga la toogtay, waxaana la sheegay inuu sugayey Mooto Bajaaj uu raaci alahaa, balse isla Mootadii ayey kasoo degeen ragga dilkiisa fuliyey, sida ay sheegen dadka degaanka.
Degmada Afgooye ee duleedka Muqdisho ayaa ka mida magaalooyinka ugu badan ee ay ka dhacaan dilalka qorsheysan, waxaana inta badan sheegata Alshabaab.
