Koox dabley ah ayaa toogasho ku dishay maanta Oday Nabadoon ah oo aan ka ahaa degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Dableyda oo ku hubeysneyd Bistoolado ayaa Gurigiisa oo ku yaalla Xaafadda Gubta Barwaaqo ku dishay Nabaddoonkan oo oo lagu magacaabi jiray Cabdi Gaaboow Cali Jimcaale, waxaana lagu weeraray hoygiisa.
Wararka aya sheegaya in Odayga la dilay uu ahaa Nabaddoon beeleed oo dilkiisa loo aaneynayo inay ka danbeysay kooxda Alshabaab, waxaana goobta ka baxsaday dableydii falkaasi geysatay.
Ciidamo amniga degmada Deyniile ayaa tegay goobta dilka ka dhacay, waxayna meydka Nabaddoonka u qaadeen Xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da si baaritaan loogu sameeyo.
Alshabaab ayaa sheegtay dilka Nabaddoonka oo ay ku tilmaantay inuu ahaa ergey soo xulay qaarka mida xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka.
Waxaa si xowli ah ku socda dilalka qorsheysan oo maalmihii ugu danbeeyay kusoo batay caasimadda, dadkii ugu danbeeyay ee la dilay ayaa u badnaa Odayaal iyo ganacsato.
