Monday, December 9, 2024

Muxuu yahay Heshiiska Milateri ee Dowladda Jabuuti la saxiixatay Dalka Turkiga?

Dowladda Jabuuti ayaa heshiis milateri la saxiixatay dalka Tiukiga, isla maalintii dowladda Soomaaliya ay ansixisay heshiis difaac iyo dhaqaale oo ay la gashay dalka Turkiga.

Wasiirada Difaaca dallaka Turkiga iyo Jabuuti ee Bariga Afrika ayaa Isniintii magaalada Nkara ku kala saxiixday heshiis iskaashi milateri oo ah dhinacyada tababarka ciidamada iyo qalabeynta, iskaashi maaliyadeed iyo dhaqaale.

Wasiirka Difaaca Turkiga Yasar Guler ayaa xafiiskiisa kusoo dhaweeyay Wasiirka Difaaca Dalka Jabuuti Xasan Cumar Maxamed oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga, waxayna labada wasiir kadib kulan ay yeesheen ku saxiixeen heshiiskan.

Ad

Heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa taliyaha ciidamada dhulka ee Turkiga Gen. Selcuk Bayraktaroglu, faafhaahin dheeraad ah lagama bixin.

Dalka Jabuuti ay yaalla meel istiraatiiji ah oo ku teedsan gacanka cadmeed oo ah marinka badda cas, waxaana saldhigyo milateri ku leh dalalka Faransiiska, Mareykanka, Shiinaha iyo dalal kale.

Wasiirrada difaaca ee dalalka Turkiga iyo Jabuuti ayaa heshiisyo iyo hab-maamuusyo dhowr ah ku kala saxiixday magaalada Ankara, kuwaas oo ay ka mid yihiin heshiis iskaashi oo dhanka tababarka ciidamada ah iyo heshiis iskaashi oo dhanka maaliyadda ah.

- Advertisement -

Turkiga ayaa sii xoojiyay iskaashiyada milateri ee uu la leeyahay dalalka, isagoo hore heshiis milateri ula saxiixday dalalka Somaliya iyo Itoobiya oo xiisad ka dhaxeyso.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON