Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud maqaamka marti-gaar ah uga qayb-galay Shir-Madaxeedka dalalka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa dalka dib ugu soo laabtay maanta.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey furitaaanka kulanka madaxda EAC, isagoo sidoo kale kulan-doceedyo la qaatay Madaxda ka soo qayb-gashay Shir-Madaxeedka, isagoo kala hadlay ololahiisa in Soomaaliya ee kamid-noqoto Dalladda Bulshada Bariga Afrika.
Natiijadii safarka Madaxweyne Xasan Sheekh e Shirkii Arusha ayaa noqotay in Warr-murtiyeedkii Shirka EAC lagu soo daray qodob lagu faray Golaha Wasiirrada AEC inay si degdeg ah uga hawlgalaan sidii loo dardargelin lahaa hannaanka ay Soomaaliya kaga mid noqonayso Bulshada Bariga Afrika.
Lama oga inta ay qaadan doonto ka mid noqoshada Soomaaliya ee ururka EAC oo muddo dheer ay hortaagnaayeen dallakaasi, iyadoo intii codsiga Soomaaliya uu yalalay, ay ururkaasi ka mid nqodeen dallaka South Sudan iyo Congo Dr., laakiin waxaa la filayaa oinay qaadato sanad ilaa 2 sano.