Madaxweynaha Puntland  C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland kadib markii uu safar qaatay in ka badan toddobaad ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Waxaa garoonka ku soo dhoweeyay madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cabdullaahi, Wasiiro iyo xubno kale, wuxuuna Dr. Gaas sheegay in socdaalkiisa dalka Kenya oo kulamo kula yeeshay madax ka tirsan dalka Kenya oo uu sheegay inay ka wadahadleen iskaashiga nabadgelyada iyo dhaqaalaha. Wuxuu kaloo sheegay inuu la kulmay wakiilada beesha caalamka.
Socdaalka madaxweyne Gaas oo u muuqday mid muhiim iyo degdeg ah markii uu ka dhoofay magaalada Garowe 18-kii Bishan July xilli ay marti u ahaayeen Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid iyo hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe ayaa wax war ah laga maqlin intii uu joogay Nairobi marka laga reebo inuu kulan la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Amina Mohamed oo uu kulankaasina dhacay maalintii lixaad ee socdaalkiisa.
Wararka qaarkood ayaa sheegay in socdaalka Gaas uu ahaa mid ay dowlada Kenya ugu yeeratay si ay ugala hadasho arrinta dacwada ka taagan xuduudka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya, balse ay hareysay diyaar garowga loogu jiray soo dhoweynta madaxweyne Obama. Waxaa muuqata in madaxweynaha Puntland waqti badan uga lumay safarkiisa oo aanu u dhicin sidii uu filayay, isagoo markii uu soo degay aan soo hadal qaadin kulankii dhex maray wasiirka arrimaha dibadda Kenya.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]