Wednesday, March 19, 2025

Muxuu Madaxweynaha Hirshabeelle ka yiri kulankii uu la yeeshay Safiirka Mareykanka ee Somaliya..?

Safaaradda Mareykanka ayaa shaacisay in Safiirka dalkaasi u fadhiga Soomaaliya uu kulan la yeeshay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ka qeybgalaya shirka wadatashiga arrimaha Doorashooyinka ee ka furmay Muqdisho.

Qoraal kooban oo safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ay soo saartay ayaa lagu sheegay in Safiirka Donald Yamamoto uu ku bogaadinayo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare sida uu u raadinayo dib u heshiisiin iyo wadar ogol loo dhan yahay oo laga gaaro hannaanka Doorashada Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxweyne Waare ayaa isna qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu wadahadalkii ugu sharraxaadda badnaa la yeeshay Danjire Yamamoto iyo mas’uuliyiinta safaaradda Mareykanka, wuxuuna sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo sida ay uga go’an tahay taageerada Soomaaliya xilligan adag ee la marayo.

Ad

Kulanka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya iyo Madaxweyne Waare ayaa ka mid ahaa kulamo xiriir ah oo safiirka la yeelanayey madaxda Soomaalida si uu ugu booriyo inay gaaraan heshiis loo dhan yahay oo ku saabsan Doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Hiirshabeele oo la kulmay Yamamoto – Radio Daljir
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON