Tuesday, May 20, 2025

Muxuu Lafta-Gareen ku noqday Mas’uulka ugu muhiimsan Doorashada Madaxweynaha? (Akhriso)

Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Xasan Maxmaed (Laftagareen) ayaa noqday mas’uulka ugu muhiimsan ee saameynta ku leh dooorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo inay Axadda 15-ka May 2022 ka dhacdo Muqdisho.

Lafta-gareen oo gacansaar la leh madaxweynaha xilka banneynaya ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inuu gacanta ku hayo inta badan codadka xildhibaannada labada Aqal ee laga soo doorto maamulkiisa oo uu isagu soo saaray.

Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha ayaa kulamo is daba joog ah la yeelanaya Madaxweynaha K/Galbeed si ay u ogaadaan suuragalnimada heshiis hoose oo ay la galaan, waxaana musharixiintii ugu danbeeyay ee xaruntiisa Muqdisho ku booqday ka mida madaxweynayaashii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Ad

Kadib fashilkii Lafta-gareen kasoo gaaray doorashadii guddoomiyaha Baarlamaanka, markii ay u midoobeen dhinacyada kale ee mucaaradka ayaa hadda rumeysan in dib u doorashada Farmaajo ay adag tahay, waxaana uu raadinayaa musharax uu isku aami karo oo Qorshihiisa labaad noqon kara.

Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in C/casiis Lafta-gareen uu kala dooranayo Musharixiinta Madaxweynaha ee Xasan Kheyre iyo Sheekh Shariif, halka ay ku adag ahay inuu wax ku darsado musharixiinta kale, siiba Xasan Sheekh iyo Sicii Deni oo taageerayaasha Farmaajo uu dagaal culus ka dhaxeeyo.

Madaxda Maamul Goboleedyada ee saameynta ku leh Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ugu horeeya Siciid Deni oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha, laakiin C/casiis Lafta-gareen ayey saameyntiisu xoogeysatay markii ay hoos u dhacday rajada soo laabashada Farmaajo.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON