Monday, February 10, 2025

Muxuu Guddoomiyaha G/Banaadir uga laabtay Munaasabadii Xuska Maalinta Booliska ee Garoonka Eng. Yariisow..?

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa la sheegay inuu dib uga laabtay Garoonka Eng. Yariisow Ex. Koonis Stadium, intii ay socotay munaasabadda xuska sanadguurada 76-aad ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Xogta la helay ayaa sheegeysa inuu Guddoomiye Cumar Filish isaga tegay garoonka, kadib markii ciidamada madaxtooyada oo amniga ilaalinayey ay u diideen inuu ilaaladiisa hubeysan la galo gudaha Garoonka oo lagu waday inuu yimaado Madaxweyne Farmaajo, taasoo keenay inuu dib isaga laabto markii uu diiday ilaalo la’aan inuu noqdo.

Tan iyo intii xilka loo magacaabay Guddoomiye Cumar Filish wuxuu qaaday tallaabo uu si weyn ugu adkeeyay amnigiisa, wuxuuna xafiisyada iyo xaruntiisa la galaa ilaalo u gaara oo mararka qaar baaritaan ku sameeya halka uu booqanayo ka hor inta aanu tegin.

Ad

Madaxweynaha Farmaajo ayaa saacadii ugu danbeysay ka baaqsaday xafladda [Akhriso], iyadoo xuska maalinta Booliska Soomaaliyeed oo si weyn loogu diyaar garoobay uu noqday mid ay cidleeyeen madaxda sare ee dalka iyo G/Banaadir.

Waxaa xafladda ku sugnaa Wasiirka Amniga, Taliyaha Booliska, Wasiirka Kaluumeysiga, wasiiru dowlaha Maaliyadda, guddoomiye ku xigeenka G/Banaadir ee arrimaha bulshada iyo saraakiil kale.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON