Thursday, February 13, 2025

Muxuu C/kariin Guuleed ku kordhin karaa rajada C/raxmaan C/Shakuur ee xilka Madaxweynaha..?

Isbedello cusub ayaa socda oo saameyn ku yeeshay musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana tartanka ka haray musharixii ugu horeeyay ee ka mida 39-ka musharax ee xilkaasi u taagan.

Musharax C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka haray doorashada Madaxweynaha, isagoo heshiis la galay Mushraxa kale ee C/raxmaan C/shakuur Warsame oo uu taageeri doono, kana shaqeyn doono ololihiisa doorashada.

Arrintan waxaa kasoo shaqeeyay Ganaxsatada beesha H/Gidir oo dhinaca kale lacag Malaayiin Dollar ah u diyaariyey ololaha doorashada C/raxmaan C/shakuur Warsame oo muddo dheer ahaa siyaasi mucaarad ah.

Ad

Musharax C/kariin Guuleed waxay beeshiisu u aragtay inuu ka rajo xun yahay C/raxmaan C/shakuur, wuxuuna ka mid ahaa musharixiinta aan rajada ka qabin xilka Madaxweynaha, laakiin waxa kaliya ee uu ku kordhin karo Mushraxa uu hadda taageerayo ayaa ah inuu u ololeeyo, isagoo lagu tilmaamo nin galaangal badan.

Musharax C/raxmaan C/shakuur ayaa sidoo kale ka mid ahayn shanta musharax ee ugu horeysa doorashada Madaxweynaha, balse kadib markii uu kusoo biiray C/kariin Guuleed waxay beeshooda rajo ka qabtaa inuu fursad u heli karo ka gudubka wareegga koowaad oo ah mid aad u adag, kadibna uu isbaheysi la geli doono Musharax kale ama rajadiisa tijaabin karo.

Beesha H/Gidir waxaa xilka Madaxweynaha u sharxanaa ku dhowaad 10 musharax, waxaana ganacsatada beesha u taalla shaqo adag inkastoo ay lacag gaareysa 10 Milyan oo Dollar u diyaariyeen Musharax C/raxmaan C/shakuur.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON