Friday, November 8, 2024

Muwaadin 30 Sano kadib Khasnadda Dowladda ku celiyay Qiimaha Gaarigii uu iibiyay

Muwaadin Soomaaliyeed ayaa sameeyay taariikh cusub oo ah inuu Qasnada Dowladda kusoo celiyay qiimaha Gaari uu dowladda u waday oo uu iibiyey intii uusan dalka ka bixin, ka hor dagaalladii sokeeya 1991.

Muwaadinkan oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Xuseen Wehliye ayaa markii ay dhacday Dowladii Milateriga wuxuu gacanta ku hayey Gaari kuwa Xamuulka ah, wuxuuna a tirsanaa Wasaaradda Gaadiidka, Cirka iyo Dhulka.

Wuxuu sheegay inuu Gaarigii muddo kadib ku iibiyay lacag dhan 12,500 (Labo iyo Toban kun, iyo Shan boqol) oo dollar, kadibna wuxuu ka mid noqday Soomaalidii dalka ka carartay xilliyadii ay socdeen dagaaladii Sokeeye, isgoo deganaa Dalka Ingiriiska.

Ad

Xaflad ka dhacday Muqdisho ayuu C/raxmaan Xuseen Madaxda Wasaaradda Gaadiidka ku wareejiyay lacagtii uu ku iibiyay Gaariga Dowladdu lahayd 32 sano ka hor, waxaana si weyn loogu bogaadiyay tallaabada uu qaaday oo ku dayasho mudan.

Waa markii ugu horeysay inta la ogyahay ee Muwaadin Soomaali ah oo Dowladda dib ugu celiyo Hanti Qaran oo uu ku maqan, iyadoo hantidii dowladda ay dad gaara la wareegeen kadib dagaalkii sokeeye ee dalka ka qarxay sanadkii 1991.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON