Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka mida xubnaha Aqalka Sare ayaa ka hor yimid Doorashada ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday ee qeyb ka mida dalka laga qabanayo, isagoo ka digay dagaal iyo qalalaase ka dhalan kara.
Senator Muuse Suudi oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Doorashada ay ka maqleen laba nin oo kasoo jeeda Beesha Hiraab oo kala ah Ra’iisal wasaare Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor.
“Hawiyaha aan afkiisa ka heyno waa Ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha Galmudug.. wixii waxay noqdeen Beel yar oo warkii loo soo dhiibay colaad dadkeeda ku gelineysa…oo colaad dadkooda ugu baaqeysa shaqo waa la heli jiray, waana la heli doonaa… Saddex nin ma hadlin, laakin marag ayey ahaayeen, waana taagnaayeen.. taagnaantooda ayaa xukmineynaa.. labadii nin mid Kiis ayuu banadhigay ninna waa xukmay” ayuu yiri Muuse Suudi.
Isagoo ka hadla mowqifka Ra’iisal wasaaraha ayuu yiri: “Raiisal wasaaraha uma maleyneynin inuu Beesha Hiraab kaliya Ra’iisal wasaare u yahay.. Waxaan u maleynayey inuu Ra’iisal wasaare Soomaali oo dhan u yahay… Wixii loo soo dhiibo inuu sidii Bambo u qarxaayo uma maleynin.. Nin wax kala reebanaya ayaan u maleyneynay… aad ayaan ayaa loogu han weynaa; waa lagu ceymanaa ayaan is lahayn.. laguma ceyman… waxaan aad u rajeynaa dalkan ciidamadiisa dalkan dhowrtaan oo aanay amarro khaldan qaadan..”
Senator Muuse Suudi wuxuu uga digay ciidamada inaysan dagaal gelin Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, isagoo yiri: “Farmaajo oo qori wata la filan maayo, Fahad oo qori watana la filan maayo, ciidamadow dalka ha iska burburina, dadkiina ha dilina… dalkaan reebta; amarka mid aan la qaadan ayaa jira… Farmaajow wiilasheena hanagu dirin ayaan ku leenahay..”
