Senatar Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo mar kale u taagan xilka kursi ka tirsan Aqalka Sare ayaa maanta khudbad u jeediyay Baarlamaanka Hirshabelle.
Xaaji Muuse oo mar kale u ololeynaya inuu kusoo laabtoa Aqalka Sare ayaa khudbadiisu ahayd tii ugu gaabneyd ee laga jeediyey Baarlamaanka, isagoo xildhibaannada Hirshabeelle u sheegay inay doortaan haddii uu u qalmo xilka inay ku celiyaan.
“Wax aan soo qabtay ma aqaan oo iima miisaana, Sanduuqa dhjalada ah ayaan ka arki doonnaa.. Waxa aan qaban doonnan, ma aqaan oo Qaayib ayaan ka ahay, wixii Alle igu aadiyo ayey noqon doonaan.. Waxaan 4 sano ahaay Senator Aqalka Sare, waxaan idinka codsanaa haddii aan u qalmo iigu celsha, haddii aad i dhibsateena iga reeba, waadna mahadsan tihiin” ayuu yiri Senator Muuse Suudi.
Waxaa Muuse Suudi tartanka kula jira musharax C/llaahi Sheekh Xasan oo taageero ka heysta madaxweynaha waqtigiisu dhammaady Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Filish.
Waxa kaloo ka mida musharixiinta la tartamaya Axmed Caddow Daaci iyo Xasan Caddaay, iyadoo la saadaalinayo inuu si fudud ku guuleysan doono Xaaji Muuse Suudi.