Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa sheegay inaan la joojin doonin Geela loogu deeqayo ciidamada kasoo horjeeda muddo kororsiga ee taageersan mucaaradka, wuxuuna farriin u firay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Isagoo ka hadlayey munaasabad uu Geel fara badan uga guddoomay mid ka mida beelaha Muqdisho ayuu sheegay Muuse Suudi in inta Farmaajo joogo aanay seexan doonin, isla markaana la joojin doonin Geela iyo xoolaha kale ee loogu deeqayo Ciidamada Badbaado Qaran ee ka horjeeda Farmaajo.
“Farmaajoon bixin Geel joogsan Maayo, Arigana joogsan maayo… Lana seexan maayo, kuwa agtaada jooga been ayey kuu sheegayaan waxba kaama celin karaan..” ayuu yiri Senator Muuse Suudi oo farriintaas u diray madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo.
Wuxuu sheegay in askari ka tirsan ciidamada taageeray Mucaaradka oo lagu dilay Muqdisho loo heysto Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, laguna aamini karo inuu ka daba tago falkaasi iyo tacadi kale oo taliyaha Saldhigga Xamarweyne u geystay gabar weriye ah.
“Rooble .. gadaashaada Farmaajo ayaa wax uga dheelowhaaya oo… howlihii lagu diray inaad qabato ayaa laguugu aamini karaa.. waxaa laguugu taageeray in wixii aad ballanqaaday aad qaban karto, haddii aad qaban weydo, adigaa shaqadaadii qabsan waayey..” ayuu mar kale yiri Xaaji Muuse oo si toos ah ula hadlay Maxamed Xuseen Rooble.
