Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maalintii ku usgan dalka Itoobiya ayaa la geeyay isaga iyo weftigiisa magaalada Hawassa ee dawlad deegaanka Sidama.
Muuse Biixi iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay maamulka gobolka Sidama, Desta Ledamo, wasiirka maaliyadda Axmed Shide, wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Redwaan Xuseen iyo mas’uuliyiin kale oo heer federaal iyo heer gobol ah.
Weftiga Somaliland ka socda ayaa la filayaa inay madaxda sare ee Itoobiya kala hadlaan arrimo kala duwan, sida iskaashiga Amniga iyo Ganacsiga.
Warar Xul ah