Waxaa shalay soo gabagaboobay doorashadii ugu degdegta badneyd uguna buuqa yareyd ee lagu soo doortay maamulka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle, iyadoo ay kusoo wada baxeen madaxdii ay dooneysay Madaxtooyada Soomaaliya.
Isbedelka ugu weyn ee Hirshabeelle uu ku sameeyay madaxweyne Farmaajo ayaa noqday inuu xilka Madaxweynaha usoo wareejiyo beesha Gobolka Sh/Dhexe, halka markii hore loo xiray Beesha ugu weyn Gobolka Hiiraan.
Inqilaabkaas siyaasadeed ee Hirshabeelle ka dhacay waxaa looga aamusay xaaladda siyaasadeed ee laga jiro iyo qorshe hirgalay oo Farmaajo iyo Fahad ay u dhigeen si ay u fushadaan rabitaankooda Doorashada Federaalka ee 2020/2021, inkastoo shaki badan laga muujinayo Cali Guudlaawe.
Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo Madaxda dowladda iyo Mucaaradka mid kasta u sheegay inuu taageeri doono doorashada soo socota, waxaa xaqiiqo ah inuusan la mid ahayn madaxda ay ku tashan karto Villa Somalia oo aysan isku hubin 100%, balse ay dano kale ka leedahay.
Cali Guudlaawe kama mid ahayn, kamana mid noqom karo taageerayaasha Farmaajo ee waxaa isu keenay dano is-waafaqay oo Doorasho, waxaase u dheer inuu yahay nin wax badan og oo soo taagnaa tartankii Doorashooyinkii ugu danbeeyay, waxaan au wehliya inuu awood aan laga daba hadlin ku leeyahay Gobolka Sh/Dhexe.

Mucaaradka dowlada waxay kalsooni badan ku qabaan inuu Guudlaawe uga hiilin doonin Farmaajo, waana tan keentay inay taageeraan doorashadiisa, kama aamusaan sidii ay Madaxtooyada iyo NUSA u wadeen Doorashadii Hirshabeelle ee natiijadeeda lasii ogaa.
Saddexda madaxweyne ee dowladda Federaalka dhisay: C/casiis Lafta-gareen, Axmed Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe inkastoo dadka qaarkii ku xagliyaan dowladda Farmaajo waxay xaqiiqadu tahay marka ay xaaladu tunta gaarto ee Doorashada la gaaro inay lasoo bixi doonaan awood ka xoog badan tii ay ku diideen Dooorashadii dadbaneyd.
GOOBJOOGE