Iyadoo la galay diyaargarowga Doorashada Federaalka 2020/2021 ayaa si weyn looga deyrinayaa Guddiyada Doorashada ee magacaabay, waxaana laga digayaa inu dhaco Musuq baahsan oo hareeya Doorashooyinka so socda.
Doorashadii 2016 ee ay qabatay dowladii uu hoggaaminayey Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku caan baxay in la musuqmaasuqo ergada doorashada, waxaana markaas kuraastii labada aqal lagu kala iibsaday lacago, iyadoo musharixiinta waaweyn ay ergadoda keensadeen.
Barnaamijka Galka Baarista ee VOA-da ayaa soo bandhigay walaaca laga qaba in doorashada Soomaaliya ay hareeyeen musuq-maasuq, lacag cod ku iibsasho, iyo cabsi gelin.
HOOS KA DHAGEYSO
